Diinta Islaamka fikradda diintu way ka duwan tahay tan diimaha kale. Diinta Islaamku waxay ku jirtaa dhammaan dhinacyada nolosha. Waxa ay maaraysaa nolosha oo ay u ilaalisaa habayn mar walba, laga bilaabo dhalashada qofka ilaa sarakicitaankeeda dhimashada ka dib iyo nolosha weligeed ah ee Jannada ama Naarta. Haddaba aan safar galno si aan u ogaano waxa Islaamku yahay iyo sababta rasuulladu u wacdiyeen.